XOG: DFS oo Malaayiin Dollar u balan-qaaday Puntland, Haddii ay ka baaqsato Jubbaland.

MUQDISHO(P-TIMES) – Warar hoose oo ay PUNTLANDTIMES ka heshay wafdiga wasiiradda ah ee katirsan Xukuumadda Soomaaliya kuna sugnaa magaalada Boosaaso ayaa xaqiijinaya in Ra`iisulwasaaraha Xukuumadda Faderaalka Xassan Cali Kheyre, uu lasoo xariiray wafdiga abaarihii 11kii fiidnimo xiligaas oo loosoo baxay Cashada wafdigan uu u sameeyey Madaxweynaha Puntland.

Mid kamid ah xubnaha golaha Wasiiradda oo uu khadka telfoonka kula hadlayay wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, ayuu u sheegay in haddii Puntland ay ka baaqsato Kismaayo ay heli doonto 12 Malyan oo Dollar, taas oo toos loogu shubayo Xisaabta wasaaradda Maaliyadda.

Raysalwasaaraha ayaa sheegay in ay tahay kabid Miisaaniyadda Puntland 3 bilood gudahood lagu sameyn doono, isagoo sheegay in ay sidaas oo kale fulin doonan mashaariicda muhiimka ah ee waqtigan taagan.

HALKAAN KA DAAWO WARARKII U DAMBEEYEY

Xogtan oo aan ka helnay golaha Wasiiradda ee tagay Boosaaso, mid kamid ah ayaa sheegay in ay ku jirtay in la fasixi doono mashaariicda World Bank oo hadeerba caawiya Puntland, balse lasii kordhin doono taageerada dhaqaale ee ay ku kabayaan Miisaaniyadda Puntland iyo dib u shaqaaaleysiinta shaqaalaha dawladda.

12-ka Malyan ee Dollar ayaa ahayd mid siyaasadeysan oo la doonayey in Puntland & Jubbaland lagu kala gooyo, wararka qaarkood ayaa sheegaya in ay wafdigan si cad ugu sheegeen Madaxweynaha Puntland in sidaas lagu yiri, isagoo diiday dalabkooda.

1 Comment

  1. XiSBIGA XORNIMADA PUNTLAND waa u riyaaqay go’aanka adag iyo sharaf dowrka bayaansan ee madaxda puntland ay dadkooda iyo dalkooda ku xaqdowreen. Waa gobonimo. Waa islaan’nimo. Waa raganimo. Waa tusaale digniin u ah kuwa is’leh sharafta reer puntland ayaa shilling lagu iibsan karaa. Sharafdowrku waa qadiyada ay ku dhisantahay XISBIGA XORNIMADA PUNTLAND

    Sharatada iyo tan dadkaaga iyo dalkaaga ilaali oo dhifaac oo ku biir XISBIGA XORNIMADA PUNTLAND

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*