Banaanbax ka socda Gaalkacyo, Madaxda DFS & Puntland oo laga dalbanayo in ay deg deg uga jawaabaan.

GAALKACYO(P-TIMES) – Dad banaanbaxyada ayaa iskugu soo baxaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, kuwaas oo ay ku codsanayaan in la sii daayo dhalinyarro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada dalka Omaan, isl amarkaasna mudo dheer lagu hayo.

Banaanbaxyada ayaa lagu dalbanayaa in ay madaxda dawladda Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Puntland ay ka wada shaqeeyaan sidii dhalinyaradaas oo mudo dheer xiran looga sii deyn lahaa xabsiyada dalka Omaan oo ay mudo dheer ku jiraan.

Dhallinyarada ku xiran dalka Cumaan ayaa loo haystaan tuun la xiriira Burcad badeednimo, waxaana la soo sheegayaa iney xaalad aad u adag halkaasi ku haysato.

Xabsiyada dalka Cuman ayaa la sheegay iney ku haysto nolol aad u adag, waxaana 5 ka mid ah ay u geeryoodeen silcin iyo caafimaad darro.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*