DAAWO: Culumada Puntland oo ka hadlay Dagaalkii Garoowe, Rididii Dhooba-Daareed, Fariin u diray Siciid Deni.

GAROOWE(P-TIMES) ā€“ Khudbad gaaban oo uu salaadii Duhur ka jeediyey magaalada Boosaaso mid kamid ah culumada ugu caansan deegaanada Soomaalida ayaa ka hadlay arrimaha ku wajahan maamulka Puntland, dagaalkii Garoowe, Mooshinkii Dhooba-Daareed, ficilada ka dhalanaya & la shaqeynta Xukuumadda.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo midnimada ummadda oo dhan, si gaar ah wuxuu usoo qaatay tabashooyinka laga muujinaya maamulka oo uu sheegay in ay muhiim tahay in si hoose lagu xaliyo.

In la adkeeyo ammaanka, lala shaqeeyo dawladda, isla markaasna waqtiga ugu badan lagu bixiyo sidii is faham loo gaari lahaa loola shaqeyn lahaa Xukuumadda ayuu ka hadlay.

Wadaadku wuxuu kaloo soo qaaday arrimaha ku wajahan mooshinkii shalay lagu riday Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Dhooba-Daareed, dagaalkii lagu qaaday xarunta baarlamaanka iyo ficilada ku gadaaman.

HALKAAN KA DAAWO KALMADA SHEEKHA

Sheekhu wuxuu sheegay in dhiiga oo la ilaaliyo ay waajib tahay, waxkastana isaga laga hormariyo, wuxuu sheegay in aysan muhiim aheyn in meydkii oo yaala la rido gudoomiyihii baarlamaanka oo ay taasi muujinaysa in aysan aheyn wax wanaagsan.

Dadka Puntland ayuu ugu baaqay in ay adkeysi yeeshaan oo ay dhawraan iftiinka yar ee maamul iyo arrimaha taagan ooa y waajib tahay midaas in lala shaqeeyo Xukuumadda, bacdamaa ay dadka wakiilada ay dirsadeen ay doorteen Madaxweyne Siciid Deni.

3 Comments

  1. wcs saciid dani wa kusalamay iwarn hello saciid dani hal mit aya kushegayh 24 ninkan c/xakim dhoobo daraad socali hada maqleysid shacabka reer puntland oo melkasta jogan hello saciid dani mantay waxa naga faideysayo cadowga shababka daacish jeeganta reer puntlad dowlada la shaqaya bye

  2. Shiikh ma aha kani , waa madaxa dadka dabka ka shidaya Puntland, waa nin aad u dheereeya, hadda ka hor makii haweenku xuquuqdooda ka hadleen ,ayuu yiro hadii mid xabad lagu dhifto dad baa u soo baxayaa, waa nin halkaa jooga, hadab waxaan leeyahay, ninkaan waa in sharciga la mariyaa, munaafaqad buu wadaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*