DAAWO: DF Soomaaliya oo walaac weyn ka muujisay Hanjabaadii M/weynihii hore.

MUQDISHO(P-TIMES)- Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ahaa in ay iska caabin kala hortagayaan dawladda Federaalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay jeediyey hanjabaad adag oo walac ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed, loona arkay mid halis badan abuuraysa.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo xalay shir kuqabtay saq dhexe xaafiiskiisa Muqdisho, ayaa dhacdo argagax leh iyo hadal aan laga fileynin Shariif Sheekh Axmed ku sheegay warkii ay maqleen shacabku.

Mr. Maareeye ayaa sheegay in qof kasta oo Soomaaliyeed looga baahan yahay jn uu qeyb ka noqdo geedi socodka dalka ayna taasi tahay wadada guusha oo kaliya.

Xukuumadda FS oo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ugu yeertay in uu ilaaliyo sharciga kaddib hadal lama filaan ah oo ka soo yeeray galabta.

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Sunday, November 10, 2019

1 Comment

  1. ASC.
    Way istaahilaan in isla maanta Ina Farmaajo iyo Ina Khayre laga saaro xamar.Waayo meeshii laga filayry dib u heshiisiin soomaaliweeyn bay bilaabeen wixii hore ee ay soomaali ku diridhay wax ka sii daran.waxay bilaabeen in ay bur-buriyaan maamulo ay dhisteen dad iskood isu xilqaamay meeshay caawin lahaayeen.Shabaab kama hadlaan oo ma yiraahdaan waa in shabaab xamar laga sifeeyaa.Laakiin waxay ku dadaalaan in la soo bur-buriyo Jubbalaan iyo puntlaan.Ma istaahilaan in ay qabtaan jagooyinka ay hadda hayaan.Qabiil iyo kala sooca soomaaliweeyn bay ku mashquuleen.Xamar baan gacanta ugu jirin markaasay ku duulaan puntlaan,jubbalaan iyo Dhusamareeb.Maxaa u diiday ciidamada gobalada loogu duulay in lagula diriro shabaabka xamar shacabka canshuuraha ka qaata?
    Calaa kulli xaal Ina farmaajo noqon waah wixii laga filayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*