DAAWO: Gudoomiye Dhooba-Daareed oo sheegay in M/weyne Deni weerar kusoo qaaday isaga.

GAROOWE(P-TIMES) – Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Maxamed AXmed (Dhooba-Daareed) oo xalay ka hadlayay arrimaha ka dhacay xarunta baarlamaanka ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Puntland in uu duulaan kusoo qaaday xarunta golaha wakiilada oo ahayd xaruntii sharci dajinta, isla markaasna uu doonayo in uu talada la wareego.

Gudoomiye Barlamanka Puntland Dhoobo Daareed” Hanjabaaddi uu Hoolka ka hanjabay Madaxweyne Dani inay fushay baad moodda

Waxa uu Xukuumadda, gaar ahaana Madaxweynaha Puntland ku eedeeyey in ay ka dambaysay weerar xalay lagu qaaday Hoolka Baarlamaanka Puntland ee Garoowe .

” Ciidamadii Dawladda , xataa kuwii daraawiishta ee furimaha joogay nooc ay yihiinba waa la keenay Hoolka Baarlamaanka ayeyna ku hareeraysan yihiin ” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Ujeedka weerarkan Xukuumadda Madaxweyne Dani ka leedahay ayuu ku tilmaamay inay tahay in si xoog ah sida ay rabto wax uga fuliso Baarlamaanka sharuucdana baalmarto .

” Sifo sharci ah baa Baarlamaanka ku imi , sifo sharci ahna waan doonayaa inaan xilkayga kuwaayo waxaa intaa kabadan maya ” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanku

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*