DAAWO:Dagaal ka dhan ah maamulka Muuse Biixi oo la iclaamiyey & Jabhad cusub oo lagaga dhawaaqay Somaliland

BURCO(P-TIMES)- Waxaa markii ugu horaysay warbaahinta la hadlay kana soo muuqday saraakiisha hoggaaminaysa Jabhadda Cawaale oo dhawaan lagaga galbeedka Somaliland, kuwaas oo sheegay in ay gacanta Somaliland ka bixin doonaa gobolada Awdal iyo Salal.

Saraakiisha Jabhaddani ayaa soo bandhigay cudu ciidan oo ay sheegeen in ay ku wajahayaan maamulka Muuse Biixi, waxaana saraakiishani ay shaaca ka qaadeen in ay naftooda u hurayaan sidii ay dagaal ula gali lahaayeen ciidamada Somaliland.

Shacabka gobolka Awdal ayey ugu baaqeen inay isku diyaariyaan duulaanka ka dhan xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiye madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyagoona ku hanjabay saraakiishu dagaal ka dhan ah maamulkiisa.

Halka Hoose Ka Daawo Muuqaalka Jabhadda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*