DAAWO:Dagaal Muqdisho lagaga saarayo madaxweyne Farmaajo oo lagu dhawaaqay

MUQDISHO(P-TIMES)- Xili maanta xayiraad lagu saaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho wafti uu hogaaminayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan isla markaasna loo diiday in ay ka duulaan garoonka ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay lasoo sameeyaan xidhiidh Madasha Xisbiyada Qaran si wax looga qabto arimahooda, waxaana uu carabta ku dhuftay in aysan u dulqaadan doonin marxalad walba oo ay ku jiraan ka Madal ahaan cadaadisyo kaga yimaado dhanka dowladda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada Muqdisho kaga saaray hogaamiye kooxeedadii ku xooganaa gudaha caasimada ka hor intii aanan la dhisin ururkii Maxaakiimta sidoo kalena lagaga awood roonaaday dagaalo ka dhacay Muqdisho ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee soo galay isla markaasna laga saaray sanadihii ugu dambeeyey ururka Al-shabaab oo ku xooganaa caasimada taas badalkeedna aysan u daahi doonin dowladda Farmaajo waa sida uu hadalka u dhigaye isaga oo dhaaranayey.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

3 Comments

  1. Sheikh Shariif isagoo cimaamad wasakh ka muuqata wata ayuu Muuuqdisho yimid,dhallin yaro badan oo Soomaaliyeed ayuu dagaal bilaa macno ah galiyey intii badnayd waa dhinteen,maalintii dambe isaga oo Madaxtooyadii Somalia General Gabre ku xukumaya ayaan aragnay,kii ku xigay Xassan dameer culusoow, isagoo u sunoodaya addoontii Kenyaatiga ahayd oo ay dhallin yaro Mareexaan ah ku laayeen Ceelwaaq ayaan aragnay,nacalla.sheydaan ku yaal,xasan culusoow maa wuxuu tabay reer Gedo in sankadhuudhi gumeysto?

  2. jubbalander ma tihid caabud ayaad ka timid haddaad farmaajo difaacayso magacaaga ku difaaca banaanka iskeen magaca jubbaland noo daa

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*