DAAWO:Sheekh Shariif oo walaac ka muujiyey arin ay Muqdisho kawado dowladdu

KISMAAYO(P-TIMES)- Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu shaki weyn ka qabo ciidamo loo qorayo hayada Nabad-sugida ee NISA oo tababar loogu qaadayo qaar ka mid ah dalalka saaxiibka la ah Somalia.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay Munaasabadda daahfurka ee Madasha Xisbiyada Qaran oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu shaki weyn ka qabo ciidamo uu sheegay inay qoreyso Nabadsugida oo labo dal kaliya loo dirayo, isagoo su’aal geliyay waxaa keenay in labadaas dal kaliya loo diro.

“Khatar weyn ayaa ka soo socota dhismaha ciidamada qalabka sida, ciidan habeen la qoraayo oo nabadsugida qoreyso oo labo dowladood kaliya loo dirayo aniga ma fahmin, ciidanka nabadsugida qoreyso, oo laga qarinayo taliyeyaasha ciidankaas ma waxaa loo sameynayaa inay amniga sugana, mise inay qabtaan howlo kuwo ka horeeyay ku fashilmeen, ciidan gaar ah oo loo sameysanayo in dad lagu dhibaateeyo annaga ma aqbaleyno”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey uga digay dowlada in ciidamada qaranka iyo heyadaha amaanka aan siyaasad loo adeegsan Karin, balse Shiikh shariif ayaa u muuqda inuu siyaasadeynayo howlaha ciidamada iyo tababarada loogu dirayo dibeda.

Inkastoo aanu Sheekh Shariif carabaabin dalalka loo qaadayo, hadana waxaa horay u jirtay warar la isla dhex marayay oo sheegayay inay jiraan Ciidamo tababaro loogu qaaday dalalka Eritrea iyo Qatar oo aan horay uga mid aheyn dalalkii Ciidamada loogu soo tababaray Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*