DAAWO:Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo kawada Buuhoodle & Shacab isku soo baxay

BUUHOODLE(P-TIMES)- Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxaa maanta ka dhacay banaan bax balaadhan kaas oo ay dhigeen shacab weynaha ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle oo si weyn uga soo horjeeda dhaq dhaqaaqyo la sheegay Somaliland in ay kawado deegaano kamid ah gobolka Cayn.

Banaan bax maanta ka dhacay Buuhoodle oo ay kala qayb galeen shacabka Buuhoodle qaar kamid ah saraakiisha ciidamada difaaca Puntland, iyagoona faray shacabka gobolka Cayn in ay ka digtoonaadaan dhaq dhaqaaqyada Somaliland kawado gobolka Cayn.

Waxa ay ka digeen tababaro la siinayo dhalinyaro kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle oo Somaliland ciidan ahaan u qoranayso, kuwaas oo ay sheegeen in madaxda Somaliland ay ka damacsan tahay fududaynta dagaalo ka dhaca deegaanka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayey ugu baaqeen in maamul u gaar ah deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn loo dhiso maadaama deegaano badan ay ka dhistay dowladdu maamulo kala duwan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*