DAAWO:Somaliland oo ku dhawaaqday talaabo aysan ka filayn Shacabka Soomaaliyeed

GAROWE(P-TIMES)- Maamulka Somaliland  ayaa qaaday talaabo farxad galisay shacabka Soomaaliyeed, kadib markii madaxweynaha Somaliland uu ku dhawaaqay magacaabista gudi uu u xil saaray fatahaadaha wabiga Shabelle oo saamayn xoogan ku reebay shacabka ku dhaqan magaalaa Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gudida Somaliland u xil saartay fatahaadaha wabiga Shabelle oo maanta shir ku qabtay gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay in magaalada Baladweyne ay ku barakaceen dad fara badan sameeyeena farahaadihii ka dhacay magaaladaasi.

Jamaal Caydiid Ibraahim oo ah gudoomiyaha gudida Somaliland u magacowday fatahaadaha magaalada Baladweyne ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wada hadleen uu balanqaaday dhankiisa ka qayb qaadashada gurmadka loo samaynayo shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne, isagoona geesta kale xusay in Somaliland oo dhan ay ka socdaan gar gaarka iyo gurmadka loo fidinayo shacabka Baladweyne.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

1 Comment

  1. Page kani wuu edeb daran yahay waar maanta Djibouti waxay fatahaada webiyada ugu deeqday 600,000 oo dollar Somaliland na abaarihii u dambeeyey waxay ugu deeqday 600,000 kun oo dollar dawladii Madexweyne Siilaanyo markaa sidaas u tidhaa talaabo aan laga filayn Somaliland kuwii 1960kii Somaliweynta doonayayey anaka ayey ahaayeen markii ay na anfici weydayna anakaa ridnay oo wadankeena ka xoraynay markaa Somaliland dhinac walba way uga saraysa Mafia da Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*