DAAWO:Xasan Sheekh oo fashiliyey qorshe ay damacsan yihiin Farmaajo & Khayre

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in madaxda dowladda Soomaaliya ay samaystaan muddo kororsi ay ku doonayaan in ay dib ugu dhigaan xiligii loogu talagalay in ay qabsoonto doorashada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in qorshe kasta oo ku aadan muddo kororsi uu kusoo dhamaan doono fashil iyo in laga leexiyo dalka wadadii uu ku socday loona baahan yahay masuuliyad buuxda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda hada jirta ay haysato wakhti ku filan oo dalka doorasho uga dhici karto, isagoona sidoo kale ka digay in madaxda dowladdu ay sameeyaan wakhti kororsi isla markaasna ay dowladdu qaadanayso masuuliyada wax walba oo ka yimaada arintaasi hadii ay wakhti kororsi samayso.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo dhacdooyinkii ka dhacay gobolada qaarkood intii ay joogeen madaxtooyada Soomaaliya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Khayre, isagoona ku adkeeyey xadhigii Mukhtaar Roobow iyo arimo kale oo uu sheegay dowladdu in aysan ka bixin wax faah faahin ah.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*