Ciidamadii Ilaalada Baarlamaanka Puntland oo ka baxay Hoolka baarlamaanka & Warar cusub.

GAROOWE(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay goor dhaw hoolka baarlamaanka ka baxeen ciidamada baarlamaanka Puntland, waxayna uga baxeen guriga gudoomiyaha baarlamaanka.

Warar ka madax banaan labada dhinac ayaa sheegaya in wada hadal ay yeesheen Odayaasha dhaqanka awgeed ay keentay in ay ciidamadan ka baxaan xarunta golaha baarlamaanka.

Ciidamo badan oo katirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa lagu hareeyey xarunta baarlamaanka, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in gudoomiyaha baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Dhooba-Daareed uu wada hadal la yeeshay qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka iyo Odayaal beeshiisa ka soo jeeda.

LA SOCO WARARKEENA RIIX HALKAAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*