DEG DEG: Dhimasho & Dhaawac ka dhalatay weerarkii Baarlamaanka Puntland iyo Yaa maamulaya Xarunta Baarlamaanka.

GAROOWE(P-TIMES ) – Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa xaqiijinaya dhimashada hal askari oo katirsan ciidamada Ammaanka, Dhaawac sadex qof oo labo kamid ah ay shacab yihiin oo waxyeelo kasoo gaartay dagaalka kadhacay xarunta baarlamaanka Puntland.

Wariyaha PuntlandTimes oo booqday goobaha caafimaadka ee magaalada Garoowe ayaa xaqiijiyey dhaawac sadexda qof iyo dhimashada halka askari, waxaana muuqata in ay talaabadan ka dhigan tahay ficilo aan wanaagsaneyn.

Cidda gacanta ku haysa xarunta baarlamaanka ayaa warar is khilaafsan ka soo baxayaan, waxaana wararka qaarkood sheegayaan in ay si difaaceen ilaalada baarlamaanka oo diiday in laga qabsado xarunta.

Sidaas oo kale, dad goobjoogayaal ah oo ku dhaw xaafadaha xarunta baarlamaanka Puntland ayaa sheegaya in luuqyada xarunta ku dhaw ay ku jiraan dad dhaawac ah, iyadoo aan la awoodin in gurmad loo fidiyo.

Majiraan war kasoo baxay xagga Xukuumadda iyo guddoonka baarlamaanka Puntland, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in weerarkan lagu qaaday xarunta baarlamaanka uu ahaa mid ka yimi saacad kahor shir usoo dhamaaday Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah golihiisa wasiiradda.

LA SOCO WARARKEENA RIIX HALKAAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*