Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland miyuu is casilayaa?

GAROOWE(P-TIMES) – Warar uu helay Warsidaha PuntlandTimes ayaa cadeynaya in uu is casilayo gudoomiyaha baarlamaanka ee Puntland CabdiXakiim Maxamed Axmed Dhooba-Daareed oo baarlamaanka soo maamulayay 10-kii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana uu qabtay shaqooyin badan oo ku wajahan la xisaabtamka xubnaha golaha Xukuumadda.

Warar dheeraad ah oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa cadeynaya in ay arrimahan ka dambeeyen dhacdooyinkii caawa ka dhacay xarunta baarlamaanka oo ay ciidamo ka amar qaadanaya Madaxtooyadu weerar ku qaadeen xarunta baarlamaanka.

LA SOCO WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*