DEG DEG:Garowe oo ciidamadii ugu badnaa la ciir ciiraysa & Tikniko dagaal oo meel walba taagan

GAROWE(P-TIMES)- Kadib markii habeen hore ay weerareen ciidamo ka amar qaata madaxtooyada Puntland xarunta Baarlamaanka oo ku taala gudaha magaalada Garowe isla markaasna uu dagaal ku dhex maray dhismaha Baarlamaanka ciidamadii weeraray iyo ciidamo ilaalo ka hayey xarunta Baarlamaanka dagaalkaasina uu sababay dhimashada Lix qof oo iskugu jira dad shacab ah iyo ciidamo ayaa waxaa magaalada Garowe laga dareemayey dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan.

Ciidamo fara badan oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu arkayaa qaybaha kala duwan ee magaalada Garowe, kuwaas oo si gaar ah u soconaya dhaq dhaqaaqyada shacabka iyo cid walba oo ka safraysa amaba soo galaysan magaalada Garowe.

Wadooyinka laga soo galo Garowe ayaa ciidamadani lagu arkayaa intooda badan, waxaana warar kala duwan oo aan helnay ay sheegayaan in laga cabsi qabto in kacdoon shacab uu ka dhaca gudaha magaalada iyo sidoo kale in xiisadaha ka aloosan Garowe ay sababaan dagaal hor leh oo ka dhaca caasimada Puntland.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka ciidamadani iyo qorshayaashooda hadana waxa ay wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan iyo hawlgalo ay ku baadhayaan gaadiidka soo galaya magaalada iyo cid walba oo ka baxaysa Garowe.

Afarta jiho ee magaalada ayaa lagu arkayaa ciidamadani, waxaana meelaha qaarkood ay ka samaynayaan hawlgalo, kuwaas oo saraakiisha qaarkood ay ku sheegeen sugida iyo xaqiijinta amaanka caasimada kadib dagaalkii dhacay.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco WWW.PUNTLANDTIMES.COM

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*