DF Soomaaliya oo lagu eedeeyey in Lacag ay ku bixisay doorashadii Koonfur Galbeed & Warbixin xasaasi ah oo laga gudbiyey.

MUQDISHO(P-TIMES) – Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey in ay lacag badan ku bixisay arrimaha ku saabsan doorashooyinkii dawlad gobaleedyada qaarkood, gaar ahaana waxaa lasoo qaaday oo la xaqiijiyey Koonfur Galbeed, waxaana si adag loogu eedeeyey dawladdu in ay dhaqaalahaas u adeegsatay soo saarida musharax u gaar ah.

Warbixin ka kooban 161 bog oo loo gudbiyey Jamciyada Qaruumaha ka dhaxaysa ayaa aad looga hadlay arrimaha ku wajahan musuqmaasuqa, faragalinta iyo talaabooyin ay sameysay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

82 Xildhibaan oo Maamulka Koofur-Galbeed ka mid ah ayaa la keenay magaalada Muqdisho bishii November 2018 si midkiiba loo siiyo $5000, isla markaana loo ballanqaaday in la siin doono lacag tiradeedu u dhaxeyso $20.000 illaa $30.000 si ay u taageeraan musharrax gaar ah oo Xukuumadda Federaalka wadatay.

Guddigu, waxay hoosta ka xariiqeen in ay jirto dhibaato weyn oo ah daganaansho la’aan siyaasaded tas oo ay sheegtay in ay hormuud u tahay dawladda Faderaalka, waxayna sheegeen in la diiday in la baaro dhacdooyinka qaarkood.

Sidoo kale Golaha Khubarada Qaramada Midoobey ayaa sheegay in kummannaan kun oo dollar la siiyey saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Doorashadii ka dhacday Koofur Galbeed ee uu ku guuleystay C/casiis Lafta Gareen oo Wasiir ka ahaa Xukuumadda Federaalka ayaa aheyd doorasho ay hareysay qalalaaso siyaasadeed oo sababay bannaan bax rabashado watay oo ay dad ka badan 10 ruux ku dhinteen, kaddib markii Ciidamada Itoobiya ay xireen Mukhtaar Roobow oo horay uga soo goostay Al-Shabaab, kana mid ahaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

HALKAAN KA AKHRISO WARBIXINTA GOLAHA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*