DHAGAYSO:Beesha Warsangeli oo war culus kasoo saartay kasii mid ahaanshaha P/land, Dagaalkii Garowe & Madaxweyne Denni oo…..

GAROWE(P-TIMES)- Kadib markii maalintii shalay ahayd ay xilkii gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ka qaadeen xildhibaanada Baarlamaanku C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed ayaa waxaa sii xoogaysanayey xiisadaha la xidhiidha xilka qaadista Dhoobo Daareed oo ay ka hadleen qaar kamid ah waxgaradka iyo aqoonyahanada kasoo jeeda gobolka Sanaag.

Jaaliyadda kasoo jeeda gobolka Sanaag ee ku dhaqan dalka Maraykanka oo ku shiray gudaha dalkaasi ayaa qodobo  dhowr ah kasoo saaray shirkooda waxaana ay sheegay in uu bur buray nidaamkii iyo heshiiskii lagu dhisay dowladda Puntland, iyagoona ku baaqay shir weyne deg deg oo ay kaga tashanayaan aayahooda dambe sida ay sheegeen.

Jaaliyadda ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay dagaalkii ku dhex maray xarunta Baarlamaanka ciidamadii weeraray iyo kuwii ilaalada ka ahaa xarunta oo ay alle uga baryeen in uu u naxariisto, waxaana sidoo kale ay caafimaad uga baryeen in alle siiyo kuwii kale ee ku dhaawacmay dagaalkaasi.

Masuuliyada weerarkii lagu qaaday Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe ayey sheegeen in uu iska leeyahay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni, iyagoona sheegay in gudoonka Baarlamaanku uu yahay C/xakiin Dhoobo Daareed hadii aysan suurta galina taasi la waayi doono midnimada Puntland waa sida ay hadalka u dhigeene.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO

2 Comments

  1. This is the stupidest press release I have ever heard. If there is no Dhoobo then there is no Puntland🤣🤣
    You must be kidding! The guy will go to his bosses in Mogadishu and Puntland will be just fine

  2. Xingalool ha unoqdo Gudoon baarlamaan Federaalka uga wakiil ah. 10kii bilood o u double agent isagoo ah jagadas Ka qasaariyey reer PL ba qalad ahayd e in marhore la siibo bay ahayd.
    Nin Ka hanyar o Ka caqli xun majiro waayo Jago iyo masuuliyad iyo gaybad ba la isagu daray. Maanta xagee ka joogaa?. Tii aad lahayd hadad xagsan weyd ma cidkale ba kugu aamineysa mid kale?.
    What a loser!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*