Faahfaahin kasoo baxaysa rasaas laga maqlay Boosaaso.

GAROWE(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in haatan uu gudaha magaalada laga maqlay.

Rasaas ayaa laga maqlay aaga malayshiyaad taabacsan nin lagu magacaabo Bashiir Saalax Deer oo kamid ah ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa yimid kadib markii ay shakiyeen ciidamadan.

Mashruuca PDG oo ah mid lagu tababari jiray ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa haatan waxaa la wareegay rag kale oo u badan ganacsato xidhiidh dhow la leh madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyey laga dareemayey magaalada Boosaaso xiisado la xidhiidha mashruucaasi.

Dhawaqa rasaasta ayaa si weyn looga maqlayaa qaybaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, waxaana dagaalku uu yahay mid sii xoogaysanaya marba marka kasii dambaysa.

10 Comments

  1. DENI WAA MADAXEYNE EE HA RAACO. IDINKAA DOORTAY EE RAACA AMA KA AAMUSO INTA UU XILKA HAYO> CIDII TAA YEELI WEYDO WAA DEMBIILE???????

  2. Deni danteenu kuma jirto asaga iyo Aaran jaan ba hana dhaafeen sida ugu dhawsiyaha badan. In baarlamaankii laga soo doortey uuu dhiig ku daadsho waa wax aad looga cumaado mana aqbalay o hadaan nahay shacabka puntland. Waa inuu nadhaafaa. Waxaa uhmbaahanhay baarlamaan cusub oo aana laluush qaadan oo aana guryof hoda lacaga loogu geyn iyo madax weyne cusub. Walahy aad baa uga xunahay ha dhaqanka xun ee meesha ka socda. Illaahow naga qabo sharkooda

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*