Khayre oo ka baaqday safarkiisii Baladweyne & Waftigii Sheekh Shariif oo la fasaxay

GAROWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Muqdisho aan ka helayno ayaa waxa ay sheegayaan in uu baaqday safarkii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu ku tagi lahaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sababaha uu Khayre Baladweyne uga baaqday ayaa waxaa qayb ka ah roobab saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay Baladweyne kuwaas oo saameeyey garoonka diyaaradaha Baladweyne oo haatan hakad galay.

Dhanka kale waxaa iyaguna dib loo fasaxay madaxweyanayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ku wajahnaa magaalada Baladweyne balse maanta loo diiday in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa u dhoofi doona magaalada Baladweyne, kadib markii xayiraadii saarnayd laga qaaday.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*