Madaxweynayaashii hore ee Somalia oo lagu xanibay Garoonka Muqdisho & Khayre oo kusii jeeda Baladweyne

GAALKACYO(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaliya ayaa sheegaya in maanta is hor taag lagu sameeyey xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran oo lagu waday in ay gar gaar gaadhsiiyaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka bixi lahaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo ka tirsan xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kamid ah xubnahani maanta lagu xayiray garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in aysan garanayn waxa loo cuskaday in laga hor istaago ka dhoofidda garoonka xilli ay gar gaar u wadeen dadka ku dhibaataysan qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Waftiga la xayiray ayaa waxaa hogaaminayey gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed, iyadoona ay qayb ka ahaayeen waftigaasi masuuliyiin uu ku jiro madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud waana markii labaad oo Shariif Sheekh Axmed loo diido in uu ka baxo garoonka Aadan Cadde.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo isla hada ay garoonka Aadan Cadde ka baxayaan wafti kale oo ay hogaaminayaan Ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, kuwaas oo kusii jeeda magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*