Shariif Sh Axmed & Xassan Sheekh oo la sheegay in ay shirqool halis ah ka Badbaadeen

BALADWEYNE(P-TIMES) – Madaxweynayaashii hore ee dawladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud oo maanta u safray magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa la kulmay xanibaad badan oo ku wajahan socdaalkooda oo ay saacado dib uga dhaceen garoonka Muqdisho, sidaas oo kale markii ay ka dagi lahaayeen magaalada Baladweyn ayaa la sheegay in laga dansaday qalabka hagida diyaaradaha ee garoonkas.

Duuliyaha diyaaradda ayaa go`aansaday in uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho, balse ugu dambeyn Madaxdii hore ee dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa ku qasbay in ay diyaaradu ku dagto Baladweyne si iskeed ah oo halis ay galiyeen safarkooda.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo katirsan Madasha mucaaradka ee ay ku mideysan yihiin Madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu ahaa isku day la doonayey in nafta Hoggaamiyaashan halis lagu galiyo.

Fiqi oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal ayaa sheegay in shirqoolkan uu ahaa mid ay abaabushay dawladda Faderaalka Soomaaliya, wuxuuna cadeeyey in si toos ah looga dansaday qalabka hagida duulimaadyada ee garoonka Ugaas Khaliif magaalada Baladweyne.

Sidaas oo kale mudanahan baarlamaan ee katirsan Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud ma bixin faahfaahin dheeraad ah, balse xogo madax banaan ayaa sheegaya in uu jiray qorshe ay dawladda Soomaaliya ku xanibaysay xubnahan socdaalkooda Baladweyne.

Ma jirto ilaa hadda hadal kasoo baxay madasha mucaaradka Soomaaliya oo uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana muuqata in uu yahay cadaadis gaaray halkii ugu sareysay oo ay dad badan walaac ka muujiyeen.

Kal hore dawladda Soomaaliya ayaa weerar qorsheysan ku qaaday Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Hoggaamiyaasha mucaaradkeeda, waxaana ku geeriyooday weerarkaas ugu yaraan 5 kamid ah ilaaladiisa, isagoo dhaawac kasoo gaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*