Wariye Madaxweyne Deni kula taliyey in uu is casilo.

GAROOWE(P-TIMES)- Agaasimihii hore ee Radio Daljir oo ah idaacad kutaala deegaanada Puntland Axmed Sh Maxamed Tallman ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga wuxuu kaga hadlay aragtidiisa ku wajahan sida uu Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, waqtigan ku wajahayo marxaladaha Puntland.

Tallman oo ay dhawaan xirtay Xukuumadda Puntland, ka dib markii lagu eedeeyey warar ku saleysan been abuur laga sameeyey laamaha Ammaanka, ayaa ugu dambeyn baxshay raaligalin.

Wariyahan oo mudo kusoo jiray saxaafadda ayaa qoraalkiisa wuxuu ku sheegay in xarigiisii, raaligalin uu baxshay iyo arrimihii uu qaatayba ay ahaayeen kuwa wanaagsan oo uu ku qanacsanaa, lagana soo gudbay.

Sidiisa oo kale ayuu sheegay in ay lagudboon tahay hadda Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, oo uu sheegay in uu sameeyey falal ka hor imaanaya sharciga dalka iyo qawaaniinta oo ay tahay in qof kasta uu ka sareeyo sharcigu.

Dhacdadii lagu weeraray baarlamaanka Puntland habeenimadii Khamiistu soo galeysay iyo falalka Xukuumadda ayuu sheegay in ay tahay in waxlaga weydiiyo Madaxweynaha Puntland oo maxkamad la horkeeno.

Waa markii 1aad ee Madaxweyne Deni qof saxafi ah ugu yeero in uu is casilo, si lamid ah sidii uu isaguba iskaga casilay Radio Daljir, ka dib markii laamaha Ammaanka uu siiyey raaligalin ku wajahan warbixin uu baahiyey.

1 Comment

  1. P times waan xiisayn jiray akhriska website kiina
    Laakiin caawaad I nacsiiseen waxaana loobaahanyahay waxaa aad bulshada idinku xiran usoo gudbinaysaan uu yahay wax aad ka fiirsateen anfacna umadda unuu yahay laakiin maaha wax wiil Facebook ku soo xarxariiqay inaad war nooga dhigtaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*