XASAASI:Kursiga gudoonka Baarlamaanka oo lagu wada dagaalami doono & PTIMES oo heshay xogta cida ay wadato madaxtooyada P/land

GAROWE(P-TIMES)- Iyadoo la qaban doono Khamiista soo socota doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland oo ka dhici doonta Hoolka Baarlamaanka ee magaalada Garowe ayaa waxaa dad badani ay is waydiinayaan shakhsiga badali doona gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed oo maalintii shalay ahayd ay xildhibaanada Baarlamaanku u codeeyeen in laga tuuro jagada gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanada Puntland aragti qaybsanaan ku aadan doorashada soo socota.

Dadka indha indheeya siyaasada Soomaalida ayaa aaminsan in gudoonka cusub uu noqon doono shakhsi u dhow madaxweyne Saciid Cabdullaahi Denni isla markaasna madaxtooyadu ay diyaarsatay shakhsigii u gali lahaa jagadaasi.

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa iyaguna la saadaalinayaa ay hogaanka Baarlamaanka midkood qabto, waxaana shacabka oo ku kala aragti duwan xildhibaanada la filayo in ay u soo istaagaan jagadaasi lagu fala gurayaa goobaha la kulmo iyo baraha bulshadaba oo inta badan ay haystaan la hadal hayntoodu.

HALKAAN KA DAAWO

Hadaba Warsidaha Puntlandtimes.com oo u guur galay arimahaasi ayaa helay xoggo tibaaxaya shakhsiyaadka kasoo muuqan doona doorashada ka dhici doonta Garowe Khamiista soo socota, kuwaas oo ay kamid yihiin xubno hore ugu soo istaagay qabashada jagada gudoonka Baarlamaanka Puntland.

Saddex kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa loo saadaalinayaa in ay ku kulamaan loolanka adag ee doorashada gudoonka Baarlamaanka kuwaas oo kala ah C/Jamaal Cismaan Maxamed, Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil iyo Cali Axmed Saalax ( Cali Dhahar), waxaaana ay sheegayaan warar hoose oo ay heshay Puntlandtimes.com  in madaxweyne Denni ay ku adag tahay qaabilaada Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo ay cadaadis ku saarayaan saaxiibadiisa qaarkood in uu kalsooni siiyo Abwaan Jibriil si uu u noqdo gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland afarta sano ee soo socota, hasa yeeshee Denni ayaa aaminsan in uu caqabad ku noqon doono Abwaan Jibriil maadaama siyaasad ahaan uusan ka gadmayn bulshada iyo indha caalamka sidoo kalena uu lasoo shaqeeyey xukuumaddii hore ee madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas taas badalkeedna waxa uu u muuqdaa Denni mid ka maarmi doona Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil.

C/Jamaal Cismaan Maxamed ayaa kamid ah raga ugu cad cad ee loo saadaalinayo qabashada xilka gudoonka Baarlamaanka Puntland sidoo kalena kamid ahaa musharaxiintii u soo istaagtay kursigaasi ayaa waxaa isna la sheegay in uusan wanaagsanayn xidhiidhka ka dhaxeeya xildhibaanka iyo madaxweyne Denni maadaama dagaal siyaasadeed uu ka dhaxeeyo labadooda sidoo kalena laga yaabo in ay adkaato fududaynta mashaariicda Denni damacsan yahay in ay u meel mariyaan xildhibaanada Baarlamaanka hadii uu C/Jamaal noqdo gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa la sheegay in uu banaanka ka ahaan doono madaxweynuhu taageerista C/Jamaal. qorshaha madaxtooyada.

Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo ahaa gudoomiyihii gudida doorashadii madaxtinimada Puntland ee bilowgii sanadkani ka dhacday Garowe ayaa isna ku jira liiska tartamayaasha, waxaana la sheegay Mr. Dhahar in uu kamid yahay shakhsiyaadka ugu dhow madaxtooyada taas oo macquul gal ka dhigi karta in uu noqdo gudoonka Baarlamaanka Puntland.

Cali Dhahar ayaa la aamisan yahay in uu kamid yahay shakhsiyaadka ugu dhow madaxweyne Denni ee kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sanaag, waxaana laga yaabaa madaxtooyadu in ay qayb weyn ku lahaato doorashadiisa si uu u noqdo gudoonka cusub ee Baarlamaanka Puntland oo doorashadiisu ay dhici doonto Khamiista soo socota oo taariikhdu ku beegan tahay 14-ka bisha November sida ay qorsheeyeen labada gudoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka Puntland.

1 Comment

  1. kan way i wataan waa kii badhamada u xiri jirey cabdiweli gaas , iyadoo lasheegay inuu xataa xaarka waraaqo ka mariyey dhawr mar , nin bahdilan inay keenaan bay rabaan qashinku in looga baxo weeyaan waxaa isku soo haraya iyaga waana gobol iyo bar aniga waxay ila tahay ,dfs hala xoogeeyo waxa kale waa tuulooyin xaafadeed

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*