DAAWO:Gudoomiyaha gobol Bari oo ka dalbaday shacabka P/land in ay wax weydiistaan Dowladda Somalia

BOSASO(P-TIMES)- Iyadoo uusan wanaagsanayn xidhiidh u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Abwaan oo eedeyn u jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya uu ka dalbaday shacabka Puntland in ay wax weydiistaan dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in bakhaaro weyn ay u buuxaan dowladda isla markaasna ay uga buuxaan deeqdihii loogu talagalay shacabka ayna jirin wax deeq ah oo lasoo gaadhsiiyey shacabka Puntland.

Shacabka ayuu u sheegay in deeqdii beesha Caalamka ee magaca Puntland lagu soo qaaday ay dowladda ugu kaydsan tahay magaalada Muqdisho, iyagana looga baahan yahay in la hadlaan si loo soo gaadhsiiyo halka uu xusay in deegaano badan ay go’doon ku jiraan weli.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*