DAAWO:Puntland oo ku dhawaaqday arin aanan laga filayn & Xukuumadda Denni oo shaacisay in ay…..

GAROWE(P-TIMES)- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad  oo hadal ka jeediyay Munaasabadda Daah-furka Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa sheegay in Wasaaraddiisu waddo Qorshe lagu kala astaynayo dhammaan Soohdimaha degmooyinka, taasi oo tiir muhiima u ah hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarinayso Daraasad ku saabsan Hannaanka kala xadeynta degmooyinka Puntland, waxaana uu xusay in hawshaasi loo xil-saaray Sharci-yaqaan ku xeel-dheer Arrimaha Xuduudaha si qaab cilmiyaysan loo maro Nidaamka kala Xadeynta degmooyinka oo door muhiima ka qaadanaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Puntland.

Mudane Dhabancad ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay diyaarinayso Khariirad ama Map aan ahayn Khariiradda Soomaaliya, balse sida uu sheegay u gaar ah dowladda Puntland si loo jaan-gooyo goobaha cod-bixinta degmooyinka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*