DAAWO:Somaliland oo khatar adag wajahaysa & Muuse Biixi oo lagu eedeeyey in uu wado…

HARGEYSA(P-TIMES)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland khatar adag ay wajahayso isla markaasna dhibaato xoogan lagu hayo.

Waxa uu sheegay Faysal Cali Waraabe in dhibaatada ugu badan ee Somaliland wajahayso ay tahay khatar ay ku hayaan xildhibaanada Wakiiladda, Guurtida iyo Madaxda Somaliland oo uu kamid yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Mr. Waraabe ayaa shaaca ka qaaday in qof walba uu dantiisa ku wato Somaliland ayna jirin cid ka talinaysa danta guud balse cid walba ay leexsanayso wax walba dhibaato xoogana ay ka taagan tahay.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in Cali Khaliif Galaydh uusan Somaliland ka dhex samaynayn maamul goboleed, balse ay wadaan arimahaasi dad kale.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*