DAAWO:Somaliland oo war culus kaga dhawaaqday gudaha Buuhoodle & Gaadiid dagaal oo….

BUUHOODLE(P-TIMES)- Iyadoo maalmo ka hor madaxweyne ku xigeenka Puntland uu magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Cayn isla markaasna mudooyinkii ugu dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegaya in jabhad cusub laga aas aasayo gudaha magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxa ay saraakiil ka tirsan Somaliland oo ku sugan Buuhoodle ay sheegeen in ay soo af jari doonaan cid walba oo duulaan ku ah danaha Somaliland.

Gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u tira badan iyaga oo ku dhex sugan ayey sheegeen in ay ka tirsan ciidamada Somaliland isla markaasna ay ka amar qaataan oo kaliya madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, taas badalkeeda aysan ogolaan doonin jabhad cusub oo laga aas aaso Buuhoodle.

Waxa ay shaaca ka qaadeen in ay bada joogaan shakhsiyaad ay sheegeen in ay ka wadaan Buuhoodle dhismaha jabhadan cusub oo aan weli la shaacin isla markaasna ay gacanta kusoo dhigi doonaan dhawaan.

Deegaanka Buuhoodle ayey sheegeen in ay ku dhuumaalaysanayaan dadka raba in ay aas aasaan jabhadan cusub ayna gacanta kusoo dhigi doonaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*