Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda & Al-shabaab oo dhacay

MUQDISHO(P-TIMES)- Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen duleedka degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Guddoomiyaha degmada Qoryoolay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dagaal uu ka dhacay degmada, islamarkaana khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, balse ma sheegin tirada ay kaga dileen Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa maanta  degan, basle ciidamada Milatariga ayaa howlgallo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey weerarkaasi ka bilaabay degmada Qoryooley.

Degmada qoryooley ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ay inta badan ka dhacaan weerarada ay geystaan Al-Shabaab oo ku sugan meelaan ka fogeen degmadaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*