DHAGAYSO:Dowladda oo ka hadashay roobabka dabaylaha wata ee ka da’ay Puntland

MUQDISHO(P-TIMES)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay roobab dabeylo wata oo saacadiihii la soo dhaafay ka bilaawday deegaano badan oo ka tirsan gobolada Puntland iyo qaybo kamid ah Somaliland.

Agaasimaha waaxda yareynta khatarta masiibooyinka Khadar Sheekh Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay bilowdeen roobabkii ay horay uga digtay dowladdu isla markaana ay ka bilaawdeen degmada Eyl ee gobolka Nugaal, iyagoo gaaray deegaano kale oo dhowr ah lana saadaalinayo inuu gaaro degmooyin ay ka mid tahay degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Agaasimuhu waxaa kale oo uu sheegay inay yaraatay xawaarihii ay horay u jaresay dabeyshu, balse ay wali taagantahay cabsida laga qabo inay gaarto deegaano hor oo ay ka geysato khasaare kale.

Sidoo kale Agaasime Khadar ayaa ugu baaqay dadka ku nool deegaanadaas inay ka fogaadaan deegaanada dhaca xeebaha iyo guud ahaan dhulka looga cabsi qabo inay roobabku ku waxyeeleeyaan dadka, sida togagga ay biyuhu jeexeen.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*