DHAGAYSO:War cusub oo kasoo kordhay deegaanadii la isku laayey ee G. Mudug

GAALKACYO(P-TIMES)- Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay ka socdeen deegaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq dagaalo nabadeed oo laga dhex wado dhinacyadii dagaalamay ee malayshiyaadkii Puntland iyo Galmudug isla markaasna ay wadaan dadaaladaasi nabadeed saraakiil ciidan oo ka socota dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay taliyaha ciidamada Lugta ee xoogga dalka Gen. C/xamiid Maxamed Dirir ayaa waxaa rajo wacan laga muujiyey arintaasi.

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Mudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo dhowaynayaan kulamada nabadeynta ah ee ka socda deegaanda bariga Mudug ee dagaalku ka dhacay sidoo kalena ay dowladda uga mahad celinayaan dadaaladaasi nabadeed ee ay wadaan saraakiisha ciidamadu.

Waxa ay sheegeen in wajiyada qaar kamid ah dadaalada nabadeyntu ay haatan soo dhamaaday halka shirar iyo kulamo dambena lagu qaban doono magaalada Gaalkacyo, waxaana ay rajo wacan ka muujiyeen qaabka wax u socdaan.

Dagaaladii ka dhacay Towfiiq iyo Af-barwaaqo ayaa sababay dhimasho badan iyo dhaawacyo kala duwan, waxaana dowladda federaalku ay ciidamadu u diray deegaanadii dagaaladu ka dhaceen halka saraakiisha kala dhex gasha beelihii dagaalamay loo diray hasa yeeshee Puntland ayaa ka hor istaagtay saraakiishaasi hawlihii ay wadaan walowse garab ay ka heleen dadka deegaanka ay ugu dambeyntii bilaabeen hawlihii nabadeynta beelaha.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*