FAAHFAAHIN ka soo baxaysa Khasaaraha ay geysteen Roobab Dabeylo wata oo ka da`aya deegaanada Puntland.

GAROOWE(P-TIMES) – Puntland wali kama aysan hadlin faahfaahin toos ahna ma aysan bixin baaxada uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay roobab wata dabeylo oo 48saac ee lasoo dhaafay ka da`ayay gobalada Barri, Gardafuu, waxayna sidaas oo kale xalay u talaabeen Xeebaha Mudug, Nugaal & Sanaag oo ay khasaare ka geysteen.

Degmada Eyl ee gobalka Nugaal Doonyo ayaa la sheegay in ay Badda ku dageen, lagama hayo faahfaahin dheeraad ah, waxaase xogaha la helayo kooban ay cadeynayaan in ay dumeen guryo, Shirkadaha Isgaarsiinta qaarkood waxyeelo soo gaartay.

Mar kale roobabka iyo Dabeylaha ayaa dib ugu laabtay Eyl oo ay saqdii dhexe ee xalay soo dhaafeen, waxaana cabsi laga qabaa khasaare kale oo horleh in uu ka dhasho, maadaama ay waqtigan xoogan yihiin.

Laascaanood iyo Garoowe si toos ah ayaa roobabkan uga da’ayeen saacadihii lasoo dhaafay, digniin ayaana laga bixiyey in ay dadweynuhu ku safraan Togaga biyo-mareenada ah iyo laamiyadaba waxaana la hakiyey isku socodka guud.

Boosaaso, baabuurtii ugu badneyd ayaa ku xaniban meelaha wadadu ku leedahay biyo-mareenada waxaana socda biyihii ugu badnaa, iyadoo ay halis badan tahay taagan tahay, haddana gaadiidka ayaa xanibaad la saaray wixii ka dambeeyey 8dii fiidnimo waqtiga Waqooyi Barri Soomaaliya.

Magaalada Ceelaayo ee gobalka Sanaag Doonyo kalluumeysi oo gaaraya 5 doonyood ayaa Baddu qaaday saqdii dhexe ee xalay, kuwaas oo ahaa gaadiidka Kalluumeysatadu ay lahaayeen, waxaana ay baddu kasoo durugtay halkii ay horey u joogtay.

Sidaas oo kale Ceelaayo, guryo badan ayay biyuhu dumiyeen, waxaana wali ka da’aya roobab Mahiigaan ah, sidda ay sheegayaan dadka deegaanka oo la xariiray.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland & Hay’adda Musiibooyinka ee HADMA midkoodna ma bixin faahfaahin rasmi ah, waxaase barta Facebook-ga ee wasaaradda Arrimaha gudaha lagu daabacay xogo is dhaafsan oo la xariira deegaanada ay roobabku ka curteen.

PuntlandTimes, waxay diwaangalisay Doonyo gaaraya 15 Doonyood in ay Baddu qaaday ilaa bilowgii roobabkan oo kasoo bilowday gobalada Barri & Gardafuu oo horey khasaare u soo gaaren wadooyinkii loo mari lahaa, haddana Baddu xirantay.

 

1 Comment

  1. Muuqaal noocas camal wali ma arkin. Waxaa kaliya ee lagu arkaa filimada. Waxaa moodaa baxrul dulumaad. Ilaahey kheyrkeeda umada ha siiyo sharkeedana haka qabto. Kudos puntlandtimes. Bilad sharaf iga gudooma. Hal muuqaal waxuu u digmaa kun eray. Hada waa la qiyaasi kara baaxada ay leedahay khatarta soo foodsaartay shicibkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*