Faahfaahin kasoo baxaysa weerar Qarax loo adeegsaday oo ka dhacay Gaalkacyo.

GAALKACYO(P-TIMES)- Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in 3 qof uu dhaawac kasoo gaaray weerar loo adeegsaday qarax oo kadhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana labo bam lagu tuuray Saldhiga magaalada.

Taliska Qeybta Booliska ayaa diiday in ay faahfaahin bixiyaan, waxaana ay diideen innay kahadlaan arrimahan.

Maamulka Gobalka Mudug ayaan ka hadlin weerarkan lagu qaaday saldhiga Booliska, waxaana xogaha qaarkood cadeynayaan in ay diideen.

Labo Askari oo kusugnaa Saldhiga Bartamaha ee magaalada ayaa dhaawacmay, waxaana sidaas kujira qof Shacab ah.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*