Kenya oo sheegtay in Al-shabaab ay kaga dileen weerarkii Baska Saraakiil ciidan

NAIROBI(P-TIMES)- Dowladda Kenya ayaa faah faahin rasmi ah ka bixisay weerar dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen gaari Bas ah oo ku socdaalayey nawaaxiga magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Gudoomiyaha gobolka Wajeer Loyford Kibaara oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in todobo kamid ah dadka la dilay ay ahaayeen saraakiil Boolis ah, kuwaas oo uu sheegay inay kusii jeedeen shaqadooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kuwa kale oo saarnaa gaariga ay ka bad baadeen weerarkaasi, kadibmarkii ay ka boodeen daaqadaha sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana lagu sheegay war lagu baahiyey warbaahintooda in dadka ay ku dileen weerarkaas ay qaarkood ka tirsanaayeen sirdoonka Kenya halka kuwa kalena ay ka tirsanaayeen shaqaalaha dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*