Khayre oo la kulmay xoghayaha Maaliyadda ee dalka Maraykanka

NAIROBI(P-TIMES)- Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Maraykanka Steven Mnuchin oo kamid ah madaxda ka qayb galaysa madasha 19-aad ee Dooxa.

Kulanka dhex maray Ra’iisal Wasaaraha iyo Steven Mnuchin ayaa looga hadlay dar dar gelinta barnaamijka dayn cafinta ee gaba gabada maraya iyo doorka dowladda Maraykanka ee ka mira dhalinta dadaalada socda.

Dowladda Maraykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hay’addaha dowladeed.

Kulanka ayaa qayb ka ah kulamada uu Ra’iisal wasaaruhu la yeelanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb galaysa madasha Dooxa.

Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay ka qayb galay furitaanka Madasha Dooxa ayaa maanta khudbad ka jeedinaya madasha oo sanadkan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*