Madaxweyne Denni oo arin aan la filayn kasoo saaray Doorashada Somalia

GAROWE(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa qaaddacay Sharciga doorashooyinka ee dowladda dhexe, kaas oo haatan hor yaalla Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla baarlamaanka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin nidaam kasta oo la dejiyo haddii aan loo ogolaan inay talo ku yeelato.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda Sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi.

Denni ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee harsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo ayna tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono nidaamkii qabaliga 4.5-ka, ayuu sheegay inay tahay in wada-tashi la isugu yimaado.

1 Comment

  1. Dalka waa in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

    Waa in ay doorashadu ka dhacdaa 92 degmo ee dalka
    92×3= 276 xildhibaan, aqalka hoose.
    92×1=92 sanator aqalka sare,
    Sidaas baan uga baxaynaa 4.5 iyo qabiil waana dalka ugu fiican

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*