Maleeshiyaad weerar ku qaaday Xabsiga Gaalkacyo & Xaalad ka taagan.

GAALKACYO(P-TIMES) – Maleeshiyo beeleed iyo ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta ee Puntland ayaa weerar ku qaaday Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo, ka dib markii halkaas maanta lagu xiray mid kamid ah dadka magaaladaas, oo la sheegay in ay soo qabteen laamaha Ammaanka ee gobalka, ka dib markii uu dacweeyey wasiir katirsan Xukuumadda Puntland.

Shaqsiga la qabtay ayaa la sheegay in uu bartiisa Facebook-ga ee gaarka ah ku qoray 22kii bisha November, qoraal ay ku jireen erayo Aflagaado ku ah mid kamid ah xubnaha golaha Wasiiradda ee Puntland, gaar ahaana ka soo jeeda gobalka Mudug.

Maleeshiyaadka iyo ciidamada la socda ayaa diiday in wax dhaqdhaqaaq ah laga sameeyo Xabsiga magaalada Gaalkacyo, waxayna sheegeen in aan cidna ka bixi karin soona galeynin, ilaa lasoo daayo maxbuuska ay soo xireen ciidamada Ammaanka.

Warar laga helay dhanka laamaha Ammaanka ee gobalka Mudug ayaa cadeynaya in uu xarigan yahay mid ay iyagu soo qabteen ninkan, oo lagu magacaabo Abdalla Axmed Guuleed, waxaana ay u sheegeen Warsidaha PuntlandTimes in dambi loo haysto.

Wararka sheegaya in loo xiray Wasiir uu qoraal uga sameeyey barta Facebook-ga ayay sheegeen in ay qeyb ka tahay arrimaha xarigiisa oo ay doonayaan in cadaaladda la horkeeno, waxay ka gaabsadeen in ay cadeyeen in ay hayaan warqad qabasho maxkamadeed ah.

Maleeshiyada joojisay dhaqdhaqaaqa Xabsiga magaalada Gaalkacyo ayaa ku hanjabay in ay xoog kusoo furan doonaan Maxbuuskan haddii aan lasii deynin, sidaas oo kale walaac ayaa kajira in ay fasaxaan maxaabiista ku xiran xabsigaas.

LA SOCO WARARKEENA RIIX HALKAAN

1 Comment

  1. Wabay cadale. An’na hadaan kooya miyaa ????. Waxaa moodaa in sanadkaan reer puntland doqonimada ku tartamayaan. Beelba beeshii kale ayey tartan yaan lagaa badin ah kula jidha. War eeyda yaa soo fasaxay. Beeluhu waa in ay eeydooda qoolka ku hayaan inta aysan arlada qurmin..

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*