Nin u dhashay Sucuudiga oo gudaha Maraykanka ku dilay ciidamo ka tirsan Militariga Maraykanka

NAIROBI(P-TIMES)- Nin hubaysan ayaa la sheegay in saddex qof uu ku dilay saldhig ciidamada badda Maraykanku ay ku leeyihiin gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in qofka weerarkaasi ka dambeeyay uu ahaa arday u dhashay boqortooyada Sucuudiga ee Riyaad ka arimisa, kaas oo ugu dambeyntii ciidamadu toogteen halka magaciisa lagu sheegay Maxamad Saciid Alshamrani, isagoona xubin ka ahaa militariga Sucuudiga halkaasna u joogay tababar ciidan.

Masuuliyiinta gudaha ayaa sidoo kale xaqiijiyey in weerarkan ay ku dhaawacmeen sideed qof oo kale oo labo kamid ah ay yihiin saraakiisha ciidamada Maraykanka.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu lasoo xidhiidhay boqorka Sucuudiga boqor Salmaan ugana tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkaasi Maraykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*