Puntland oo faah faahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay roobabkii da’ay

GAROWE(P-TIMES)- Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa ka warbixiyay khasaaraha ilaa iyo haatan la xaqiijiyay ee ay gaysteen roobabkii dabaylaha wata ee ka da’aya deegaanada Puntland.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in roobabka dabaylaha wata ay khasaare kala duwan ka gaysteen deegaano ka tirsan Puntland oo u badan kuwa ku teedsan xeebaha gaar ahaan gobolada Gardafuu, Bari, Sanaag iyo Nugaal.

Dhabancad ayaa xaqiijiyay in hal qof uu ku dhintay doon Kalluumaysi oo ku degtay xeebaha degmada Caluula ee gobolka ay Puntland u taqaano Gardafuu, halka xeebta degaanka Ceelaayo ee gobolka Sanaag ay baddu la tagtay ilaa afar doonyood oo kuwa Kalluumaysiga ah, inkastoo aysan khasaare nafeed ka dhalan.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in deegaanka Garmaal oo ka tirsan gobolka Nugaal iyo nawaaxigiisa ay daadad ka dhashay roobka ilaa lix qoys oo reer miyi ah xoolihii kala tageen, halka degmada Eyl-na ay dabaysha roobku dumisay taawaradii Isgaarsiinta.

Wasiirka ayaa digniin hor leh ku bixiyay in taxaddar dheeriya la muujiyo maadaama weli roobabku si xawli ah uga da’ayaan qaybo badan oo ka tirsan gobollada Puntland.

2 Comments

  1. Your idiot baro sida wax loo qoro xayawaan yahow doqonka ahi. Xeebaha Puntland u taqaan gardafuul adigi ma siilka hooyadaa ayaad u taqaana marka shan kun oo doofaar baa iska kaa dhashaye.

  2. Kkk . Wariyuhu ma oran dameer iyo doofaar baa dufaantu ku dishay qardafui, ee waxuu yiri nin doon wata ayaa badu cuntay. Ari baayo Sheekadaadu ma dameer ka carar Baa????

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*