QORMO: Astaamo muujinaya in madaxweyne Farmaajo uu markale ku guulaysan karo talada dalka oo muuqda

MUQDISHO(P-TIMES)- Waa macquul in dad badan ay saadaasha la bixiyey aysan u arkin mid ay ku qanci karaan dhab ahaanshiyaheeda hadana waa odoros muuqda.

Daraasad si kooban loo sameeyey ayaa waxay sheegeen in Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ubadan tahay siyaasad ama sanduleys mid ku timaada inuu xilka kusoo noqon karo.

Doorashada xilligeeda waa inay ku dhacdaa,waxaa xitaa sidaas yiri Beesha Caalamka oo Soomaaliya taageero umuujiya.

Hase ahaatee hadii aysan wakhtigeeda wax dhicin oo ay muddo kororsi timaado maxaa dhici kara?

Mucaaradka dawlada waxay wacad ku mareen inaysan ogolaan doonin Extension (Muddo Kororsi) iyagoo sheegay in Dalka Dawladihii soo maray waxa keliya ay si sax ah uqaateen aheyd inay ka fogaadaan in xilligooda ay wax ku darsadaan.

Sida muuqata waxay sheegeen xisbiyada Dalka inay ka yeeli doonin Madaxda Dalka hadda hogaamiso in bil xitaa wakhti kordhin sameeyaan.

Farmaajo waxa uu diyaarsaday difaac adag si uu uhelo codka Xildhibaanada wax soo dooran doona,ka hor waxa uu dejiyey qorshe labo Afle ah.

Waa mida koobaad in lagu qanco Doorasho Qof iyo Cod ah, taas Xisbiyada ayaa ku gaadan oo Farmaajo ayaa guul ku heysta.

Hadii aysan dhicin in Doorashadaas Qof iyo Cod la isku raacina jeebka ayuu furayaa oo ay ubadan tahay inuu lacag badan ku bixiyo booskiisa inuu kusoo laabto.

Shukaansiga Saamileyda Siyaasadeed, Doorka Siyaasiyiinta, ololaha Doorashada 2021-ka Bilowgeeda dhaceysa waxay sabab ka dhigtay in dad badan ay hadda qalabkooda iyo Qoor dhiibashada sii bilaabaan.

Nin kaa Af miishaarsan dhaxalka Aabahaa ayuu kula qeybsadaa hadii la dhihi jiray hadda waa Ololaha sida loo kala badiyo ayey doorashada guusheeda ku imaan doontaa?

W/Qoray Farxaan Xasan Cabdi

1 Comment

  1. Waa raganimo. Nin xoolihiisa oofsanaya maxaa looga hor istaagin. Puntland fardaha halganka ku xarbinaya kuma jidho oo xisbiyada xamar ayaa danaheeda u matalaya. Somalilandna awalba kuma jirin sawirka. Jubaland xisaabta haba ku darin. Xabshaanka soo harayna awal baa xamar lagu xareeyey. Farmaajo waxuu adeegsanayaa farsamadii Baba xaaji Siad Bare oo wuu yaqaan sida somaali loo kala shaandheeyo. Meesha ay somali ka jilicsantahay ayuu yaqaan. Waana tan guusha usoo hoynaysa.

    Farmaajo caawa iyo bari kuma hayo baayo iyo boowe barri baanu duulin. Tilaabo iyo go’aan dagdag ah ayuu uga takhalusaa cida ay ishayaan.

    Gaaladu waxay tiraahdaa ..

    “hadii aad ka rayn karin raac”.

    Puntland waxaa u haboon in ay yiraahdaan farmaajo iigeeya, lowlaa xaataa uu suuqyada xabashi uu u iibgeynayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*