Wararkii ugu dambeeyey ee Puntland & Duufaan xoogan oo ku dhuftay deegaanada qaarkood

NAIROBI(P-TIMES)- Duufaanta Pawan ayaa ku dhufatay deegaano kamid ah xeebaha Soomaaliya, waxaana ay saamayn weyn ku yeelatay deegaano ka tirsan Puntland gaar ahaan deegaanada ku teedsan dhanka xeebta.

Shacabka ku dhaqan deegaanadaas ayaa waxaa lagula taliyey in ay badda iyo dhulka badkiisu hooseeyo ay ka fogaadan xili roobab xoogan ay weli ka da’ayaan deegaanada Puntland ayaa waxa ay wasaaradda arrimaha guduhu ay sheegtay in roobabkii ka da’ay Puntland in uu ku dhintay hal qof.

Magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa saamayn xoogan laga dareemayaa maadaama ay kusoo rogmeen daadad xoogan isla markaasna wadooyinka isku xidha goboladda qaarkood ay hakad galeen sababo la xidhiidha roobka oo aad u xoogan.

Magaalooyinka uu hada roobku aadka uga da’ayo waxaa kamid ah degmada Eyl oo kamid ah meelaha laga digayo inay duufaantu ku dhufato.

Puntlandtimes.com oo xidhiidho kala duwan la samaysay dadka deegaanka ayaa ilaa hada loo xaqiijiyey khasaare hantiyeed walowse uu jiro khasaare nafeed oo soo gaadhay dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqanka gobolka Nugaal.

Deegaanka oo hoostaga degmada Garowe Qundheed ayaa waxaa ku dumay 9 guri halka deegaanka Baq Baq isna uu roobku la tagay gaadhi, waxaana sidoo kale lasoo sheegayaa in deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal ay daadadka oo aad u xoogan kala tageen 6 qosy xoolo ay lahaayeen halka Ilmo yarna qabowga oo aad u daran isna uu naf waayey.

Dhanka degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa iyaduna bilaa isgaadhsiin ah maanta, kadib markii Ateenkii shirkadda Golis oo dhacday isna uu dumiyey guryo ku yaala deegaankaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*