XOG:Farmaajo oo helay qorshihii uu kusoo laaban lahaa

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxa uu hada helay Tiirkii uu ku heli lahaa doorashada 2021-ka uu kusoo laaban karo.

Madaxweynaha waxaa la sheegay in uu heshiis dhow la galay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayna arimo dhowr ah isla meel dhigeen.

Shakiga Fahad Yaasiin iyo Khayre isbahaysigooda waxay sabab ka dhigtay in madaxweyne Farmaajo uu u wareegay dhinaca gudiga doorashooyinka.

Ka hor inta aysan Xaliimo Yarey shalay sabtidii hor tagin gollaha shacabka Soomaaliya waxaa lasoo tabiyey inay la kulantay madaxweyne Farmaajo.

Arimaha ay ka hadleen ayaa ah Villa Soomaaliya iyo gudiga doorashooyinka sidii looga dhabayn lahaa qabashada doorasho Qof iyo Cod ah.

Ruclaynta Farmaajo ayaa ah xukunka dib ugu soo laabashadiisa waana ay ku taageerayaan gudiga doorashooyinka, iyadoo warar kale oo soo baxay sheegayaan in xitaa gudoonka gollaha shacabka ay Villa Soomaaliya dhaqaale siin doonto hadii la meel mariyey sharciga doorashada ee qof iyo cod.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*