DAAWO:Al-Shabaab oo soo bandhigtay diyaarad Maraykanku leeyahay oo ku dhacday Sh/Hoose

Al-Shabaab ayaa waxay Axadii soo bandhigtay mid kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Maraykanka, taas oo ku soo dhacday gobolka Shabellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in diyaaradaasi ay ku soo dhacday deegaanka Toora Toorow isla markaana ay maleeshiyadeeda u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay inay gacanta ku hayso qalabkii diyaaradaasi oo nooceeda ay ku sheegtay kuwa wax duqeeya.

Militariga Maraykanka ee Somaliya ku sugan ayaa inta badan waxay duqaymaha ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ku fuliyaan diyaaradahooda bilaa duuliyaha ah.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump uu xafiiska la wareegay ayuu Maraykanku dar dar-geliyay weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah Shabaabka hubaysan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*