DAAWO:Madaxweyne Denni oo sagootiyey Axmed Madoobe & Waftigiisii J/land

BOSASO(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku sagootiyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafti uu hogaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland.

Madaxweyne Denni waxaa sagootinta madaxweynaha Jubbaland ku wehelinayey xubno ka tirsan golayaasha dowladda Puntland, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, saraakiisha laamaha amaanka iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dowladda Puntland, waxaana madaxweyne Axmed Madoobe uu mid mid u sii gacan qaaday inta uusan ka duulin Boosaaso madaxdii sagootinaysay.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*