DAAWO:Muuse Biixi oo sameeyey fal aysan samayn madaxdii ka horeeyey

HARGEYSA(P-TIMES)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta booqasho ugu tegay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac oo xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaal Gar-Gaar ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan gudoomiyaha gollaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo taliyaha ciidamada Booliska ayaa wakhti kooban la qaatay Xasan Ciise Jaamac oo xaaladiisa caafimaad haatan fiican tahay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey Xasan Ciise, waxana uu ka xog waraystay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo sidoo kale warbixin la xidhiidha suurto-galnimada waxyaabaha loo baahan yahay in loo qabto ka dhagaystay dhakhtarka xaaladdiisa gacanta ku haya.

Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee wehelinayey ayaa eebbe uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo Xasan Ciise oo haatan ku jira xaalad kasoo rayn ah oo aad u wanaagsan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*