DAAWO:Muuse Biixi oo saxiixay in la toogto dad hor leh & Beelaha Dhulbahante, Habar Yoonis & Samaroon

GAROWE(P-TIMES)- Maamulka Somaliland ayaa fulinaya wajigii labaad ee toogashada maxaabiis ku xidhan xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa bisha labaad ee sanadkan, iyadoona bishii koobaad ee sanadkan ay Somaliland toogatay lix maxbuus oo labo kamid ah ay kasoo jeedeen deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Maxaabiistan uu tooganayo maamulka Somaliland bisha labaad ayaa ka kooban 11 maxbuus, waxaana lix kamid ah ay kasoo jeedaan Beesha Dhulbahante halka saddex kamid ah ay yihiin Beesha Habar Yoonis, kuwaas oo ay weheliyaan labo ruux oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Beesha Samaroon.

Wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha toogashadaasi ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu saxeexay dilka 36 ruux oo 11 kamida la qisaasi doono bisha labaad ee sanadkani 2020 halka kuwii ugu horeeyeyna todobaadkii aynu soo dhaafnay la qisaasay, kuwaas oo uu kamid ahaa wiil dhalinyaro ah oo la qisaasay oo kasoo jeeday gobolka Cayn kaas oo sheegay inaanu wax dil ah gaysan, balse uu waayey garsoor iyo cadaalad xaqiisa u soo celisa sidaasna lagu toogtay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*