DAAWO:Somaliland oo Garowe lagu dhex ceebaystay & Wasiir loo jawaabay

GAROWE(P-TIMES)- Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee gollaha wakiiladda Puntland Abukaate C/casiis Cabdullaahi Cismaan ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqii Soomaaliyeed ee Daraawiishta lagu xusuusan doono halgankii ay u soo mareen xorinada dalka Soomaaliya isla markaasna ay mudan yihiin in la xuso xili walba.

Abukaate C/casiis Cabdullaahi Cismaan oo hadal ka jeediyey habeenkii xalay ahayd munaasibad lagu xusayey sanad guuradii 100-aad ee kasoo wareegtay halgankii Daraawiishta oo ka dhacday gudaha magaalada Garowe ayaa waxa uu ka jawaabay gudoomiyuhu hadal kasoo yeedhay wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Saleebaan Cali Koorre oo sheegay in Daraawiish ay ahaayeen shakhsiyaad kaaso jeeday deegaanada Somaliland, isagoona tilmaamay Abukaate C/casiis Cabdullaahi Cismaan in dhaqaaqaasi Daraawiish uu ahaa mid xornimo doon ah isla markaasna Somaliland aysan aqbalayn taariikhdaasi faca weyn ayna jirin xataa ciidamo ama xarumo dowladeed oo lagu magac daraya marka la bar bar dhigo Puntland.

“Somaliland ma awoodi karto xataa ciidan magaciisa Daraawiish la yiraahdo inay samaysato iyadoo diidaysa magacii iyo sharaftii Daraawiishi lahayd” Sidaasi waxaa yidhi gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Abukaate C/casiis Cabdullaahi Cismaan.

Marka laga yimaado hadalka gudoomiye Abukaate C/casiis Cabdullaahi Cismaan ayaa waxaa sidoo kale isna munaasibadaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash, isagoona dhankiisa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in laga been abuurto taariikhda faca weyn ee Daraawiishta isla markaasna wasiirka Warfaafinta Somaliland uu fududaystay hadalkaasi.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*