Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka, Khasaaraha, Weerarka 2aad iyo Jawaabaha.

BAQDAAD(P-TIMES)- Caawa tallaabadii ugu horeysay ee weerar aargudasho ah ayey Iiraan ku qaaday saldhiga milateriga Al-asad ee Ciraaq halkaasi oo ciidamada Mareykanka ku leeyihiin base aad u weyn.

13 gantaal ayaa lala helay saldhigaasi, Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa xaqiijisay weerarkaasi iyadoo Aqalka Cad uu sheegay in ay ka war qaban weerarkaasi.

Telefishinka dowladda Iiraan ayaa sheegaya in weerarkan uu yahay aargudasho kadib markii sarkaalkii ugu sareeyay Iran Qasem Soleimani lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Baqdaad Jimcihii, amarrada dilkana uu bixiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Ma cadda inay jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dadka shacabka ah.

Af-hayeenka Aqalka Cad, Stephanie Grisham ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay ka warqabto wararka sheegaya weeraradii lagu qaaday xarumaha Maraykanka ee Ciraaq.

Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid aargudasho ah oo loogu talagalay geerida Soleimani.

“Waxaan uga digayaa dhammaan xulafada Mareykanka, ee saldhigyadooda ku wareejiyay ciidankeeda argagixisada, in dhul kasta oo bilow u ah falalka gardarada ah ee ka dhanka ah Iran lala beegsan doono,” ayaa lagu yiri hadal ay soo saartay wakaaladda wararka ee Iran ee ay maamusho IRNA.

Ali Muhiyaddiin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*