DEG DEG:Ciidamada Somaliland oo hubka isku gurtay, Taliyaal xabsiga la dhigay & Askar badan oo la wareegtay….

BOSASO(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in cirka ay ku tolantay xiisad cakiran oo maalmihii ugu dambeeyey ka dhex aloosnayd ciidamada Somaliland gudahooda.

Xiisadani ayaa sii xoogaysatay kadib markii habeenkii xalay ahayd ay gaadhay in ay jiidaha hore ee dagaalka ay ku kala baxaan ciidamada Somaliland ee gobolka Sool iyo ciidamada kale ee dhalasho ahaan kasoo jeeda goboladda Waqooyi Galbeed, Togdheer iyo qaybo kamid ah gobolka Sanaag, waxaana weli gacanta ciidamada Somaliland ee goboladda Waqooyi Galbeed iyo Togdheer ku jira taliye ku xigeenkii Qaybta 7-aad ee ciidamada Ina Cambaashe Ibraahim Ashkir oo habeeno ka hor lagu xidhay taliska Gooja Cadde ee ciidamada Somaliland.

Xadhiga taliye Ashkir oo sababay xiisadani ayaa xaaladu kasii dartay kadib markii labo sarkaal oo kale iyaguna laga xidhay ciidamada Qaybta 7-aad ee Somaliland kuwaas oo kala ah Sugaal Cali Dhuxul oo ah taliye Guuto iyo Faarax Faandhe oo isna ah taliye Guuto.

Arintani oo sababtay jaah wareer iyo xaalad cakiran ayaa sababi karta xaalad dagaal, waxaana weli ciidamada Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Sool ay iyaguna goosteen wadada dheer ee laamiga ah ee gobolka Sool, iyagoona gaadhay deegaanada Canjiid, Yagoori iyo Guumays si ay uga hortagaan in saraakiishaasi loo qaado dhanka Hargeysa oo loo qorsheeyey in lagu xidho.

Xiisadani ayaa sii xoogaysanaysay maalmihii ugu dambeeyey, waxaana kala qaybsanaan ay soo kala dhex gashay ciidamada Somaliland ee kuwada sugan gobolka Sool oo qarka u saaran in dagaal uu ka dhex qarxo.

3 Comments

  1. Muuse biixi isagaa leh nimankaan dhulbahante ee adeecsan. Kuu doono ayuu xiri karaa ama karbaashi karaa. Nimankaan dhulbahante waxaan kula talin in ay adeecaan sayidkooda oo raaliyo noqdaan.

  2. This is, in diplomatic terms, the most opportune moment for the Puntland politicians to strike. The tribal SNM faction is in complete meltdown and Sool is in total disarray. The phony allegiances are being blown to pieces. When things get to this stage in a lawless and illegitimate guerilla faction, there is normally no going back to the way things used to be. It marks the beginning of the end.

    This is where and when I and many others are baffled by the sheer incompetence of the Puntland leadership. The Dhulbahante are in a state of flux for more than a decade now, having naively fallen prey to the marauding Ali Khalif traitor and his cronies who are born of this once noble clan. Their treachery, orchestrated by the cunning SNM faction, ensured that if they were unable to make Puntland crumble from within, at least the Dhulbahante would be plunged into a state of utter disunity. This was cleverly designed to cause total anarchy within the once unified Harti kinsfolk and hinder or even stop their march to the glorious future that beckoned on the horizon of their newly forged the Harti Kingdom of Puntland.

    After more than a decade of misunderstandings, suspicions, confusion, and instability within the Dhulbahante – no thanks to the Isaaq’s deceit and perfidy – it looks like the phantasm has finally crashed into reality. This is supposed to be the perfect timing for the Puntland leadership to pounce and win back their long betrayed kinsmen – not through guns but through effective propaganda warfare aimed at exposing the traitors’ treachery and making the Dhulbahante clan comprehend the virtues of belonging in the fold of their wider brotherhood of Puntland with no better alternative outside of it.

  3. CUUUUC IYO CAAAC WAXBA SHEEGI MEYSO, DHULBAHANTE MEEL HA ISKU RAACO. IIDORBA WAA SOOMALI WAX HA LA QEYBSADAN AMA KALIGOOD HA TASHTAAN.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*