DHAGAYSO:Qaybo kamid ah Caasimada oo laga qaxay, Gadiid dagaal & Ciidamo

MUQDISHO(P-TIMES)- Weli waxaa laba ciidan ay isku hor-fadhiyaan Safaaradii hore ee Itoobiya ee degmada Shangaani, halkaas oo shalay guri ku yaala uu dagaal khasaare gaystay ku dhex maray ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Guriga oo ay leeyihiin dad shacab ah ayaa iyaga oo la hadlayey warbaahinta waxa ay sheegeen in gurigooda si awood ah looga haysto isla markaana dowladda ay ugu baaqeen inay soo farageliyaan arrinta taagan gurigoodana lagu soo wareejiyo.

Qof kamid ah dadka ku nool agagaarka xarunta Visha Taraafiko oo uu ku yaala guriga la isku haysto ayaa sheegay in gabi ahaanba dadkii daganaa guryaha u dhow gurigaasi lagu dagaalamay ay qaxeen.

Waxa uu sheegay in weli goobihii lagu dagaalamay ay labada ciidan isku hor fdhiyaan isla markaana dadkii daganaa ay cabsi darteed uga carareen.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*