DHAGAYSO:Wasiirka Waxbarashada Puntland oo u jawaabay Wasiir Goodax

GAROWE(P-TIMES)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya aya waraysi uu bixiyey maalin ka hor waxa uu ku sheegay in Ardayda Puntland aan wax shahaado ah la siin doonin ilaa iyo ay ka qayb galaan Imtixaanka ay qaadayso wasaaradiisu, hayeeshee waxaa hadalkaas maanta oo Axad ah jawaab ka bixisay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo sheegtay in intii at Puntland jirtay ay Imtixaankeeda iyadu qaadaysay.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntaland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo tan Puntland ay heshiis ku yihiin geedi socodka iyo dib u dhiska hanaanka federaaliga ah ee Waxbarashada,iyada oo saldhig uu u yahay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyo kan Puntland.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in labada Wasaaradod ay dhowr mar ku heshiiyeen in Puntland ay si madax bannaan u qaadeyso imtixaanka Ardayda deegaannada Maamulkaas,,dejinta iyo sixida Imtixaanka,isla markaana deeqaha waxbarasho lagu bixiyo heerka kaal sareynta,waxaana uu soo bandhigey Heshiisyo dhowr ah oo kale ah.

1: In Puntland u madax bannaan tahay qaadista imtixaanka Ardeyda deegaannada Puntland.

2: In wasaaradda Waxbarashada federaalka ay imtixaanka ku leedahay talo,kormeer iyo taageero dhaqaale.

3: In Waaaradda Waxbarashada Puntland ay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbiso Imtixaankii ay qaadey.

4: In laga wada tashado sidii loo hormarin lahaa Imtixaanka guud ahaan Soomaaliya.
5:In la isku waafaqo bixinta Shahaadada si ardayda Soomaaliyeed ay u helaan cadeynta aqoontooda taas oo ay xaq u leeyihiin.

5: In shahaadada Ardayda deegaanada Puntland laga bixiyo Xafiiska Imtixaanadka wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo qodobo kale.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

1 Comment

  1. Wadamada federalka ah ee dunida ka jira sida somaliya u dhaqato uma dhaqmaan. Federaalismka waxaa loo maamulaa rakooyin kala sareeysa oo ay ugu hooseeso dagmooyinku. Masuuliyada iyo xaquuqda lakala leeyahay sidaas oo kale ayey rakooyin u leeyihiin oo layskuma faragaliyo. Talada guud iyo il-kuhaynta iyo taakuleynta waxaa leh rakada sare. Fulinta iyo maamulida waxaa leh rakoonyinka hoose. Somali maryooley waxay madaxa la galeen waxaysan cilmi iyo aqoon u lahayn markaasa madaxii iyo minjihii isku marmeen

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*